daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadeeyay in Dowladda Federalka Somalia ay taagersan tahay dhamaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Isaga oo ka hadlaayay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxtooyada Somalia uu ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Dowladiisa ay taageersan tahay dhamaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay Baarlamaanada dhismaya iyo kuwa iminka dhismayba inay tahay guul weyn oo laga gaaray hanaanka Federalka Somalia iyo horumarada kale ee dalka jira.
Inkastoo Madaxweynaha Somalia uusan soo hadal qaadin muranka ka taagan dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, hadana waxaa xusid mudan inuu jiro weli muran aan xal laga gaarin oo ka taagan dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari, ayaa dhinaciisa sheegay in baarlamaanka Maamulka Galmudug ay ka taagerayaan diyaarinta shuruucda Baarlamaanada.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug oo sheegay in Dowladda Somalia ay uga mahadcelinayaan taageerada Baarlamaanka Galmudug ay la garab taagan yihiin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:19 and have
, Published at