daajis.com:- Xili lagu wado in maalinta Jimcaha ee fooda nagu soo hayso uu magaalada Nairobi soo gaaro M/weynaha Mareeykanka Obama, ayaa amaanka guud ee Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxaa la wareegay ciidamada FBI-da Mareeykanka kuwaasoo si weyn usii xaqiijinaya amaanka.
M/weyne Obama oo Aabihiis kasoo jeedo Dalka Kenya, ayaa booqashadiisa waxay noqon doontaa tii ugu horeeysay tan iyo markii uu ku fariistay Kursiga Aqalka Cad ee looga arimiyo Mareeykanka.
Mr Eric Kiraithe, oo ah madaxa amaanka Jomo Kenyatta, ayaa sheegay in Ciidamada Sirdoonka Mareeykanka ay sugi doonaan amaanka Garoonka.
Dhanka kale waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka Guud ee Kenya gaar ahaan Nairobi, iyadoo wadooyinka halbowlaha u ah magaalada lagu arkayo Ciidamo Ameerikaan ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:56 and have
, Published at