Daawo Sawirro: Suuqa Ganacsiga ee Westgate oo muddo labo sano kadib dib loo furay

Daawo Sawirro: Suuqa Ganacsiga ee Westgate oo muddo labo sano kadib dib loo furay

daajis.com:- Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa maanta dib loo furay labo sano kadib, markii Al-Shabaab ay weerartay suuqaas bishii September ee sanadkii 2013.

Weerarkaas oo socday muddo afar maalmood ayaa waxaa ku dhintay illaa 67 ruux, iyadoo dabley ka koobneyd afar ruux ay mudadaas la dagaalamayeen ciidamada ammaanka Kenya.

Muuqaalka Xaruntan Ganacsiga ayaa ka duwanaa sidii ay aheyd sanadkii 2013, xilligaasoo uu bur bur xoogan uu soo gaaray, isla markaana qeyb ka mid ah suuqa oo dab qabsaday uu gebi ahaanba dumay.

Ammaanka ayaa si aad ah loo ilaalinayay, waxaana dadka oo u dukaameysi tagay maanta oo Sabti ah ay safaf ugu jireen, ciidamo badan oo ku sugnaa ayaa dadka baarayay.

Milkiilayaasha goobaha ganacsiga ee dib looga furay xaruntan ayaa qiimo dhimis u sameeyay dadka wax ka iibsanayay, si ay u helaan macaamiil fara badan.

Xarunta Westgate ayaa waxaa leh shirkad laga leeyahay dalka Israel, waxaana shaqaalaha ammaanka ee xaruntan ay sheegeen inay wax ka bedeleen qaabkii hore ee amniga loo sugi jiray.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada