daajis.com:-Tallaab Wanaagsan qaadaya, maxay tahay ?
from XOGMAAL MEDIA » XOGMAAL MEDIA by Wararka Muqdisho
Sat Jul 18 2015 17:49:10 (2 hours)
# 4.
Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminayo ay Saaka ku wajahan yihiin Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka galgaduud.
Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa lagu sheegay in ay wada hadal lagali doonaan Ahlusunnadii iskaga baxday kal hore Shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada si looga hadlo Xaalada Degmada iyo la shaqeynta Maamulka Cusub.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horay usheegay in uu la fariisan doono Cid walba oo wax tabaneysa hadana degen Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:56 and have
, Published at