VIDEO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaada Ciida Kadib La hadlay Ummadda Soomaaliyeed

VIDEO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaada Ciida Kadib La hadlay Ummadda Soomaaliyeed

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu maanta Salaaddii Ciidda boqolaal ruux kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.

madaxweynah waxaa salaada la tukaday Gudoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir, tiro ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo shacab badan oo ku nool magaalada Muqdisho.

Amaanka Masjidka ayaa aad loo adkeeyay maanta waxaana Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay si weyn u adkeeyeen ammaanka Masaajidka Isbahaysiga, waxaana baaritaano adag la marsiinaayay dadkii gelaayay Masaajidka.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay shacabka, ka dib Salaaddii Ciidda, ayaa ugu hambalyeeyay Munaasabadda maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga.
Hoose ka Daawo


Madaxweynaha waxa uu shacabka ugu baaqay inay dhexdooda isu gargaaraan, maanta oo kalana ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta dadka Somaliyeed, si Somaliya ay markale cagaheeda isugu taagto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada