Nin Hubeysan oo afar ka tirsan Ciidamada Marines-ka Mareykanka ku dilay Gobolka Tennessee

Nin Hubeysan oo afar ka tirsan Ciidamada Marines-ka Mareykanka ku dilay Gobolka Tennessee

daajis.com:- Nin hubeysan ayaa afar ka mid ah Ciidamada Marines-ka Mareykanka ku dilay labo xarumood oo ay degan yihiin ciidamada, kadib markii uu weeraray,

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Chattanooga ee gobolka Tennessee, waxaana ninka weerarka qaaday toogtay Ciidamada Booliska.

Ninka weerarka ka dambeeyay oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Kuwait ayaa magaciisa lagu sheegay Mohammad Youssuf Abdulazeez, waxaana socda baaritaano ku aadan weerarkan, inkastoo aanay wali jirin cid sheegatay.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegaya in aanu weerarkan xiriir la laheyn falal argagixiso, waxaase wali socda baaritaanada.

Madaxda Gobolka Tennessee ayaa weerarkan ku tilmaamay inuu yahay ficil argagixiso, waxaana su’aalo la iska weydiinayaa weerarkan qaabka uu u dhacay, iyadoo inta badan xarumahan la weeraray aanay ilaalo adag laheyn.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada