Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaano ka tirsan Bakool iyo Hiiraan

Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaano ka tirsan Bakool iyo Hiiraan

daajis.com:- Dagaalo xoogan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Bakool, markii ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda ay weeraro ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac, waxaana ciidamada huwanta ay sheegteen inay la wareegeen deegaano dhowr ah.

Ciidamada howl galka ka waday Bakool ayaa ka soo dhaqaaqay dhanka degmada Tiyeeglow, halka ciidan kale ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca galbeedka Beledweyn deegaano dhaca oo ku dhow Gobolka Bakool.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay la wareegeen Dagmada Ceel Cali, Buq-Goosaar, Ceel dheer iyo deegaano u dhaxeeya degmada Tiyeeglow iyo Xudur.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalada, hase ahaatee waxaa deegaanada lagu dagaalamay ka barakacay dad badan oo deegaanadaas degenaa, kuwaasoo u badan xoolo dhaqato.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada