Daawo Muuqaal “Qof Dumar ah oo Si Naxdin leh ugu Geeriyooday Suuqa laga Adeegto iyadoo Wiilkeeda laba Jir badbaadisay!!

Daawo Muuqaal “Qof Dumar ah oo Si Naxdin leh ugu Geeriyooday Suuqa laga Adeegto iyadoo Wiilkeeda laba Jir badbaadisay!!

daajis.com:- Qof dumar ah oo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa waxaa shiiday wiishka ama jararada soconaysa ee dadka qaada oo ku yaal xarun laga suuqeysto dalka Shiinaha.


Hooyada ayaa waxaa la socday wiil laba sanno jir ahaa, waxaana halmar la go’ay halka jaranrada ku dhamaata, hooyada ayaa markii ay dareentay in nolosheeda halis ku jirto ayeey iska soo riixday wiilkeeda iyada oo qeylinaysa.

Shilkaani ayaa waxaa duubay Kaamirada CCTV-ga ee Suuqa oo ku yaal Jingzhou oo ah Bartamaga Shiinaha.


Xiang Liujuan, waa hooyo 30 jir aheyd waxayna soo gaartay halka ugu saraysa ee Jaranjarata Socota, waxaana halmar la dumay halka ugu danbeysa ay jaranjarada ku xerooto, nasiib daro waxaa ay hooyada ku dhimatay jaranjaradaaso oo sida warqad u duuduubtay iyada.

Ugudanbeyntii hooyada meydkeeda ayaa waxa laga helay diinimada ama Mashiinka duuba Jaranjarada, waxayna qaadatay in meydkeeda laga soo saaro halkaasi afar saacadood kadib, iyadoo shaqaalihii ka shaqeynayay soo saarida meydka qasab ku noqotay in ay wada furaan dhamaan jaranjarada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada