daajis.com:- Prof: Axmed ismaaciil Samatar ayaa wuxuu sheegay inaysan marbana Suurto galayn in beelaha Isaaq iyo Gadabuursi ay ka midho Dhalinayaan hadii ay meesha ka maqan yihiin Beelaha Daarood ee dega Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya “Somaliland ma soconayso, Hadii ayna ka mid noqon Dadka Daaroodka ah, oo Isaaq Iyo Gadabuursi is Raacay ma dhalin karaan Soomaliland” Ayuu yidhi.
Prof: Samatar ayaa horey wuxuu u sheegi Jiray inuu magaalada Muqdisho kusoo Arkay Qabyaalad oo uga Tanaasulay Sharaftii uu bulshada Soomaaliyeed ku dhex lahaa, waxaana hada muuqata inuu Quus ka taagan tahay maamulka Beelaysan Hargeisa oo markii hore dusha Looga Qurxiyey.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at