daajis.com:- Wasiirka Difaaca Dawlada Fedaraalka Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo Wafti uu
Wasiirka Difaaca Dawlada Fedaraalka Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo Wafti uu hogaaminayo oo ay ku jiraan Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay Soo Gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Wasiirka oo Safar Dhinaca Dhulka oga soo baxay Galinkii Dambe ee shalay Degmada Cadaado oo uu u yimid ka qayb galka Caleemo Saarkii Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Soo dhaweynta Waftiga Wasiir Diini ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Gudiga Amniga Degmada, Culimaa’udiin iyo qaybaha kale ee Bulshada.
Wasriirka ayaa markii uu soo gaaray Degmada waxaa uu warbaahinta ayaa oga warbixiyay safarkiisa Caabudwaaq iyo waxa u qorshaysan mudada uu joogi doono Degmada Caabudwaaq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:00 and have





