DAAWO:- Taliyaha booliska oo booqday saldhigga degmada Yaaqshiid

DAAWO:- Taliyaha booliska oo booqday saldhigga degmada Yaaqshiid

daajis.com:- Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay xalay munaasabad sare loogu qaadayay wada shaqeynta ciidanka booliiska iyo bulshada oo xalay lagu qabtay xarunta degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. 


Taliyaha ayaa si wada jir uu ula afuray saraakiisha ciidamada ka howlgala degmadaasi iyo dadweynihii ka qeyb galay munaasabada.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamuud Cadaawe oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin bulshada deegaanka.

Generaal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa halkaasi ka sheegay in ciidamada looga baahan yahay in ay soo dhaweeyaan bulshada, islamarkaana sidoo kale bulshada looga baahanyahay iney ciidamada kala shaqeeyaan sugidda nabadgelyada.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada