Gaas oo si aan la fileyn uga hadlay Muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Gaas oo si aan la fileyn uga hadlay Muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

daajis.com:- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo hada ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa ka hadlay Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Cabdi Weli Gaas oo kulan gaar ah Magaalada Nairobi kula yeeshay Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntiland, Jubbaland iyo Waqooyi bari Dalka Kenya, ayaa ka hadlay sida uu u arko dacwada dhinaca Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa dadkii uu la kulmay u sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku qaldan tahay in dacwad la xariira Xuduuda Badda Soomaaliya ay ka gudbiso Dowlada Kenya, waxa uuna taa badalkeeda eedeyn usoo jeediyay Dowlada Federaalka uu ku eedeeyay in ay ku tumatay dastuurka dalka.




Waxa uu cadeeyay Madaxweynaha Puntiland in Dacwada dhinaca Badda ay aheed in lagala tashto Maamulka Jubba , waxa uu xusay in Maamulka Jubbaland iyadu ay maamusho xuduuda Badda ee hada muranka ka taagan yahay ayna isku heestaan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Kenya.

Maamulada Puntiland iyo Jubbaland oo mudooyinkii dambe isxulufeesi Qabiil ku dhisan sameestay ayaa u muuqda kuwa Dowlada Kenya ugu hiilinaya Dacwada dhinaca Badda ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, waxa ayna labadan maamul kasoo horjeedaan tilaabo kasta oo Dowlada Soomaaliya u qaado dhinaca samaha iyo hormarka.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa 13-kii bishan u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ dacwad ka dhan ah Dowlada Kenya oo ku aadan in Dowlada Dalkaasi ay si sharci daro ah ku qaadaneyso qeybo kamid ah Badda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada