DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay dalka Turkiga + SAWIRO

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay dalka Turkiga + SAWIRO

daajis.com:- Qarax Xoogan oo dad badan ku dhinteen ayaa goordhaw ka dhacay Magaalada Suruc oo kutaala xaduuda uu dalka Turkiga la wadaago dalka Siiriya gaar ahaan Magaalada Kobani.

Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay beer lagu nasto oo ku dhax taala xarun dhaqanka lagu soo bandhigo oo kutaala Magaalada Suruc oo ku dhaw Xadka uu Turkiga la wadaago Dalka Siiriya.

Ugu yaraan 29-qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 100-qof oo kale kuwaa oo loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana xarunta uu qaraxu ka dhacay buux dhaafiyay Ciidamada amaanka Dalka Turkiga.

Ma jiro wali cid sheegatay Masuuliyada qaraxa ka dhacay Dalka Turkiga ,Magaalada Suruc uu weerarka uu ka dhacay waxaa xeryo kuyaala kunool in ka badan 20-kun oo qof oo kasoo barakacay Colaada ka aloosan dalka Siiriya.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada