daajis.com:- Waxaa Goordhaw Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka dhacay Banaanbax balaaran oo lagu soo dhaweenayay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo xubno la socday oo shalay gaaray Magaaladaasi.
Banaanbaxan oo ay kasoo qeyb galeen Boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka dhacay Garoonka Kubada Cagta Cabdulaahi Ciise, waxaana Banaanbaxa soo dhaweynta ah intii uu socday halkaasi khudbado kala duwan kasoo jeediyay Waxgarad iyo Masuuliyiin.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo hadal ka jeediyay Dibad baxa ayaa Madaxweynaha Galmudug kusoo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sheegay in Gaalkacyo hada kadib uu ka taliyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen, isagoona ugu baaqay shacabka Gaalkacyo in ay taageeraan ayna soo dhaweeyaan Madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo dhankiisa la hadlay Dibad baxayaasha soo dhaweenayay ayaa u balan qaaday in Maamulka Galmudug uu noqon doono mid wax badan tara ayna ka faa’iideestaan bulshada ku dhaqan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Banaanbaxa lagu soo dhaweenayay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug iyo xubnaha la socda ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u dagan, waxaana shalay Gaalkacyo markii ugu horeesay tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Galmudug gaaray Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo 23-ka bishan la filayo in la caleemo saaro.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at