Gen. Indha-Cade oo baaq u diray Ahlusuna iyo Puntland

Gen. Indha-Cade oo baaq u diray Ahlusuna iyo Puntland

daajis.com:- Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa ugu baaqay Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe inay u tanaasulaan dadka Goboladaasi ka soo jeeda ayna ka noqdaan go’aanadii ay qaateen ee Maamulka Galmudug ay uga soo horjeedaan.

Indha Cadde ayaa wuxuu sheegay muhiimada inay tahay in dadka Gobolada Dhexe ay ku midoobaan Maamulka la dhisay, si dadka ay uga nastaan dhibaatooyinkii ay soo mareen.

Waxa uu ugu baaqay in ay ka tanaasulaan go’aanadii ay qaateen, islamarkaana ay dowladda wada hadal la galaan, wixii ay xaqqa u leeyihiina ay qaataan.


“Ahlu sunna ha u Tanaasulaan Shacabka Gobalada Dhexe, dowladda wada hadal ha la galaan, ha raadsadaan waxa ay xaqqa u leeyihiin, hadii ay waayaanna ay shacabkooda eegaan.” Ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde oo u waramay Idaacada Goobjoog.


Generaal Indha Cadde ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Puntland laga rabo inay ogolaadaan wada hadalka xalka loogu raadinaayo arimaha ka dhex taagan Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay in Wax waliba ay ku wanaagsan tahay in wada hadal lagu dhameeyo si khilaafka meesha looga saaro.

Puntland ayaa diidan oo siweyn kaga soo horjeeda dhismaha Maamulka Galmudug.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada