Obama oo runta u sheegay Shacabka iyo Madaxda Kenya

Obama oo runta u sheegay Shacabka iyo Madaxda Kenya

daajis.com:Madaxweyne Barack Obama ayaa dadka reer Kenya u sheegay inay horumar weyn gaari karaan.

Balse waxaa uu sidoo lale xusuusiyay halista ay leeyihiin musumaasuqa iyo qabyaaladda.

Obama waxaa kumaan ruux kula hadlay garoonka Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Garoonka Kasarani ayaa billawgii sabnadkii hore loo adeegsaday in lagu xiro dad badan oo Soomaali ah xilli uu socday howlgal amni oo ka dhacay xaafadda Islii.

Obama waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dalka oo dhan uu hal meel iska taago musuqmaasuqa.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in siyaasad ku dhisan qabyaalad ay dalka kala qeybin doonto.

Obama ayaa haatan soo gabagabaynayo booqashdiisa Kenya, isagoo la filayo inuu u duulo dalka Itoobiya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada