daajis.com:- Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay kasoo horjeedka Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho, kazoo gebi ahaanba burburiyay qeyb ka mid ah dhismaha Hotelka.
Wararka ayaa sheegaya in gaari nooca iska rogaha oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay meel ku dhow irida Hotelka, waxaana qaraxan uu ahaa mid magaalada oo idil ruxay.Hotelka-qarax-14
Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay qaraxan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu ahaa gaari weyn oo kuwa xamuulka ah, waxaana tanka qaraxa uu ahaa mid aad u ballaarnaa, marka la fiiriyo bur burka soo gaaray Hotelka.
Hotelka ayaa qeybo badan uu bur buray, iyadoo daaqadihii ay soo hoobteen, dad goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan noociisa oo kale aan horay loo arkin.
Waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadkii wax ku noqday qaraxa, waxaana gebi ahaanba xiran wadada isku xirta Isgoyska KM4 illaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Qarax uu ahaa mid aad u xoog badan, kana duwanaa qaraxyadii horay uga dhici jiray maaalada, waxaa mar qura gil gilay meelo badan oo ka mid ah magaalada.
Dad ka fog halka qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in dhulka uu la gariiray, dariirashada iyo albaabada ay soo dhaceen, waxaana lagu soo waramayaa in guryo ka ag dhowaa Hotelka uu dumay.
Hotelka Jazeera oo ah hotel ammaankiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan Safaaradaha Shiinaha iyo Qatar, sidoo kale waxaa hotelka dega diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:38 and have


