DAAWO :Madaxwayne OBAMA Shacabka Kenya u Sheegay Dimuqraadiyadu dadka Kama Wada Farxiso+Hadalkii Ugu Cuslaa oo uu U jeediyey Reer Kenya.

DAAWO :Madaxwayne OBAMA Shacabka Kenya u Sheegay Dimuqraadiyadu dadka Kama Wada Farxiso+Hadalkii Ugu Cuslaa oo uu U jeediyey Reer Kenya.

daajis.com:- Khudbadii ugu danbaysa inta uu Joogo dalka Kenya ayuu ka jeediyey Garoonka way nee Kasaraani,Madaxwaynaha Dalka Maraykanku,wuxuuna halkaas kula hadalay Boqolaal qof oo ka tirsan Ururada Bulshada Dalka Kenya,Hay’adaha Caalamiga ah,Siyaasiyiinta reer Kenya iyo Waliba Sidoo kale Siyaasiyiin Shishiiye oo dalkaas Jooga.



OBAMA Wuxuu shacaBKA Kenya u sheegay in dhaawicii Argagixisadu ku samaysay Kenya,iyo dhibaatadaii Weeraradaasi geysteen ay ahaayeen kuwa dunida oo dhan ka xanuunsatay sidoo kale dalka Maraykanka Siwayn looga dareemay tan iyo sanadkii 1998 dii Weerarkii Safaarada Maraykanka,iyo Weerarkii Garissa ee dadka badani ku dhinteen,waana Musiib nagu dhacday arintaasi ayuu yidhi OBAMA.


“Argagixisadu Waxay Isticmaalayaan Khidado Cusub oo khatar ah,waxayna Marwalba iskudayayaan in ay kala qaybiyaan Bulshada,waana qaabka ay u isticmaalaan Bulshooyinka oo dhan,waxaan taas lamid ah sida ay u istcimaalayaan dadka reer Kenya ee ay u kala qaybiyaan Muslin iyo kuwa aan Muslim ahayn,si ay isugu diraan,waa in aan Ogaanaa”ayuu yidhi Madaxwayne Obama in arintaasi tahay mid khatar oo la doonayo in dadkeena lagu kala qabiyo qabiilka iyo Diinta.




“Doorasho Xor oo dalka ka dhacda waxay lamid tahay Xoriyada dadka dalka oo Xoogaysatay,waxayna ka bilaabtaa Xoriyada dadku Doorasho Xor ah,waana in aad ogaataan in dalkiinu uu guuleysto in ay ku xidhantahay Xoriyada Buuxda”Ayuu shacabka Kenya u sheegay Obama,Dimuqraadiyadu ma ah qof Marwalba cabta oo Cabshadiisu badan tahay ee Waa qaab kale oo aan taas ahayn,waa in aan ka qayb qaadato Toosinta wax Socoda ayuu yidhi.



Wuxuu ka hadalay Xaalada dalka Soomaaliya iyo Arimaha Qoxootiga,Wuxuuna dadka reer Kenya u sheegay in ay qoxootiga Soomaalida Ilaaliyaan oo ay dhawraan xuquuqdooda,Wuxuuna sheegay in dalkoodii ay dhibaato ka jirto Waa Soomaaliya ee.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada