XOG: Gudoomiye Jawaari oo ka jawaabay warqad kaga timid Puntland

XOG: Gudoomiye Jawaari oo ka jawaabay warqad kaga timid Puntland

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu sicad u sheegay in warqad qoraal ah ay ka heleen Baarlamaanka maamulka Puntland taasi uu ku sheegay in ay cabasho eheyd.

Isaga oo ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland ayuu sheegay Jawaari in Baarlamaanka Somalia uu u dhisan yahay qancinta iyo la tashiga Maamul Goboleedyada dalka ka jira,sidaasi darteed ay qancinayaan Puntland.

Sidoo kale Gudomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in iyaga ay la tashanayaan dhammaan Baarlamaanada maamulkada hadda jira sida Gal-Mudug,Koofur Galbeed ,Puntland iyo Jubba si xal loogu helo destuurka dalka u yaala.

“Puntland inaan la fariisanno oo aan daweyno oo aan weydiinno waa maxay waxa aad ka cabaneeysaan waa lagama maarmaan” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Jawaari.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Baarlamaanka Puntland uu shaaciyay in ay qaadanayaan kulan ay kalsoonida kala laabanayaan DF Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada