Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Jubbaland oo Diyaarad ku Gaaray Degmada Baardheere

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Jubbaland oo Diyaarad ku Gaaray Degmada Baardheere

daajis.com:-  Waxaa Safar Deg deg ah ee aan horay loo sii shaacin uu Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) caawa ku gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa diyaarad yar ka raacay Degmada Doolow, waxa uuna fiidnimadii caawa uu ka degay Degmadaasi Baardheere, oo Arbacadii lasoo dhaafay lagala wareegay Ururka Al Shabaab.


C/laahi Sheekh Ismaaciil, ayaa waxa uu xusulduub ugu jiraa sidii Maamulka Jubbaland uu Maamul Kmg ah ugu soo dhisi lahaa Degmada Baardheere, iyadoo Baardheere ay ka tirsan tahay dhulka uu ku magacaaban yahay Maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan Degmadaasi, ayaa iyagu saluugsan in Jubbaland ay Maamul u soo dhisto Degmada Baardheere, waana halka uu ka duulaayo General Fartaag.

General Fartaag, ayaa waxa uu yoolkiisu yahay in Saraakiisha Ciidamada Dowladda uu ka dhaadhiyo inay taageeraan qorshaha Jubbaland, ay ku doonayso in Maamul ugu soo dhisto Baardheere.

Korneyl C/laahi Cismaan Isaaq, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Ee Gobolka Gedo, ayaa Khamiistii sheegay Dowladda Somaliya oo keliya inay Maamul u dhisi karto Degmada Baardheere.


Waxaad moodaa in Baardheere ay noqotay magaalo lagu tartamo, iyadoo dowladda Federaalkana ay doonayso in iyada gacanta ku hayso Maamulna u samayso goobaha laga Xoraynayo Ururka Al Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada