TOP NEWS :-Amiirka Al-Shabaab oo Faray Guutada Ciidanka Sheekh ABu Zubeyr inay Kordhiyaan Dagaalka ay wadaan.

TOP NEWS :-Amiirka Al-Shabaab oo Faray Guutada Ciidanka Sheekh ABu Zubeyr inay Kordhiyaan Dagaalka ay wadaan.

daajis.com:- Amiirka ugu sareeya Ururka Al Shabaab, ayaa markii ugu horeysay cod maqal ah oo laga soo duubay lagu baahiyay Baraha Internetka Ururka Al Shabaab ay ku faafiyaan wararka.

Sheekh Axmed Cumar Abu Cubaydah oo ka hadlaayay arimo kala duwan ayaa wuxuu soo hadal qaaday weerarada ciidamada Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo deeganada kale, weeraradaasi oo lala beegsado ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Amiirka Al Shabaab ayaa bogaadiyay guutada loogu magacdaray Sheekh Abuu Zubeyr, guutadaasi oo markii la magacaabay lasoo baxay dar dar culus oo ku aadan weerarada ay ka geysanayaan dalka

“Waxaan Sidoo kale isla munaasabaddan halkaan ugu bishaareyneynaa umadda Muslimka ah dhismaha Guutada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay taas oo ah “Guutada Ashahiid Abuu Zubeyra –Allaha ka aqbalo Shahaadadiisee- Waxaana ku dhiira gelineynaa Fursaanteeda iyo geesiyaasheeda bilowga xoogan ee ay ku dhaqaaqeen, Waxaana u direynaa tahniyad ku aadan Munaasabadda Ciidda, Waxaana ugu hambalyeyneynaa camaliyaatkoodii ugu dambeeyey ee gilgilay Tiirarka Kufriga. Waxaan idiin leenahay horay u socda oo Kordhiya weeraradiina ka dhan ah Kufaarta, Waxaana Allah weydiisaneynaa in uu idiin xifdiyo, Hadafkiina iyo go’aankiina uu sugo.” Ayuu Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda Amiirka Shabaab.

Guutadaan cusub ee Sheekh Abuu Zubeyr loogu magacdaray ayaa qaabilsan kaliya la dagaalanka ciidanka Amisom, waana ciidankii ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay ciidamada Amisom ee ka dhacay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xoogaga Shabaab ayaa hada u muuqda kuwa dib u soo noolaanaayo awoodooda ku aadan dagaalka Somalia ay ka wadaan, maadaama ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay siiyeen ciidankaasi fursado ku aadan inay dib u soo noolaadaan, maadaama deegaano badan ay ka baxeen ciidamada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada