daajis.com:- Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka u Dhaqaaqay dhanka Degmada Buule-Burde ee Gobolka Hiiraan iyagoo halkaasi ka wada Howlgalo Wadada u dhaxeysa Magaalada Baledweyne iyo Degmada Buulabarde.
Ciidamadan oo aad u badan oo wata Gaadiidka Dagaalka oo iskugu jira kuwa AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa aroortii hore ka baxay Magaalada Baledweyne,kuwaas oo ku wajahan Degmada Buulabarde islamarkaana uu Qorshahoodu yahay sidii ay iskugu Furi lahaayeen Labadan Magaalo.
Ciidamadan AMISOM oo horay gacanta ugu dhigay Degaanka Halgan ayaa dhawaan ka baxay, kadib markii ciidamadii ay iska soo raaceen Magaalada Baladweyne ee Itoobiyaanka ahaa ay uga baxeen balantii, kana dhaqaajiyay goobta habeen gudcur ah, waxaana ciidamadii yaraa ee ka socday kuwa Jabuuti iyo Kuwa Soomaalida ku qasbanaadeen inay ku noqdaan goobahii ay markii hore ka soo hayaameen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:30 and have

