DAAWO: Booqashada uu Madaxweynaha Soomaaliya ku Joogo Dalka Imaaradka Carabta (VIDEO)

DAAWO: Booqashada uu Madaxweynaha Soomaaliya ku Joogo Dalka Imaaradka Carabta (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay dhaxal sugaha dowladda isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, wuxuuna kulankaasi kaga wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida uu ugu qanacsan yahay taageerada ay xukuumadda iyo shacabka Imaaraadka Carabta la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya.

Dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay waddan ay walaalo yihiin oo u baahan in dhinac kasta laga taageero, dagaaladii sokeeye ee dhacay kadib.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Bin Maxamed Gargash iyo mas’uuliyiin kale oo labada dowladood ka socdey.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada