daajis.com:- Mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya balse kasoo jeeda deegaanada Jubbaland, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal shalay kasoo yeeray Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya (Jawaari), kaasoo ahaa in maamulka P/land uu yahay Dowlad Goboleedka kaliya ee dalka ka jira.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Axmed Aabi, ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Jawaari uu yahay mid aan laga fiirsan abuuri karana xasarad cusub oo ka dhex dhalata DF iyo maamulada Dalka ka jira.
Xildhibaanka ayaa sheegay in hadalka Jawaari uu yahay mid lagu soo aadiyay Booqashada Ra’isul wasaaraha shalay uu ku tegay Kismaayo islamarkaasina lagu duraayo maamulka Jubbaland.
Waxaa xusid mudan in horay Baarlamanka DF uu codka kalsoonida u qaaday sharci ahaanshaha maamulka Jubbaland, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed oo ka dhex aloosanta maamulkaas iyo DF.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:15 and have

