Jawaari oo ka dhawaajiyay Hadal ay P/land u riyaaqi doonto

Jawaari oo ka dhawaajiyay Hadal ay P/land u riyaaqi doonto

daajis.com:- Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya, ayaa sheegay inaanay jirin wax la yiraahdo Dowlad Goboleedyo, aan ka ahayn Puntland.

“Anaga aragtidayada Baarlamaanka oo Dastuur ahaan u hadleeno, wax la yiraahdo Dowlad Goboleed majiraan sharciyan, aan ka ahayn Puntland oo ka horeysay Dastuurkani intaan la samaynin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in Puntland ay ka dhiman yihiin waxyaabo yar yar sida uu yari, oo ay ka mid yihiin inay Dastuurkeeda waafajiso Dastuurka Federalka Somaliya.

jawaari“Puntland waxaa ka dhiman waxyaabo yar yar oo masuul aysan ka ahayn, sida Dastuurkeeda inay waafajiso Dastuurka Federalka, intaas ayay sugeysaa, inteeda kale waa u dhan tahay. Inta kale ee samaysantay waa Maamul Goboleedyo ku meel gaar ah.” Ayuu yiri Prof. Jawaari.


Jawaari, ayaa maanta hadalkan ka sheegay shir uu ka furay Magaalada Muqdisho. Shirkan oo ah mid wada tashi, ayaa ujeedkiisu uu yahay in dib u eegis loogu sameeyo Dastuurka Federalka Somaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada