daajis.com:-Shirkada Talyaaniga ee shidaalka ee Eni ayaa sheegtay inay ka heshay mid ka mid ah gaaskii ugu badnaa adduunka ee dabiici ah meel u dhow xeebta Masar.
Shirkadda ayaa sheegatay inay ka heshay gaaska 1,450m dhulka hoostiisa ahna meel balaarkeedu yahay 100 sq km.
Waxaa ku jiri kara qiyaastii 5.5 bilyan oo barmiil shidaal u dhigma.
Shirkadda ayaa sheegtay in saldhiga Zohr inuu noqon karo kan ugu wayn ee gaas dabiici ah laga helay, wuxuuna Masar ka caawin karaa gaaska ay ubaahan tahay tobanaan sanadood.
"Tamartan la helay ayaa wax badan ka badali doonta baahida tamarta ee Masar" ayuu sheegay Madaxa Eni, Claudio Descalzi.
Eni, ayaa la saxiixday heshiis qiimahiisu yahay $2 bilyan wasaarada batroolka ee Masar. Heshiiska ayaa u ogolaanaya inay shidaal ka baaraan Sinai, Gacanka Suez, Nile Delta iyo Mediterraniyanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 06:00 and have

