daajis.com:- Waxaa loo ogolaaday Degmada Diinsoor oo dhawaan la xoreeyay Wariyeyaal badan oo ka socday dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba, Degmeda Diinsoor ayaa waxaa 23-kii July gacan ku haynteeda la wareegay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay, iyadoo aanu ka dhicin wax iska horimaad ah.
Ururka Al Shabaab oo muddo sideed sano ka talinayay Degmadaasi, ayaa isaga baxay, ka dib markii uu hujuum ka soo fuulay Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa midowga Africa ee Amisom.
Dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Degmada, ayaa ah mid si caadi ah u socdo, waxaana furan goobaha waxbarashada, iyadoona ay dadku isugu kala gooshaan qaybaha ay ka kooban tahay Degmadu.
Inta badan shacabkii ku dhaqnaa Degmada, ayaa u barakacay deegaanada ku dhow dhow, inkastoo ay maalmihii la soo dhaafay bilaaben, inay dib guryahoodu ugu soo noqdaan.
Gudoomiyaha Degmada Diinsoor, Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow), ayaa sheegay dadku inay dib ugu soo laabanayaan Degmadaasi, oo ayna shacabku aad ugu faraxsanyihiin in laga dul qaaday Caburintii iyo kadeedkii ay ku hayeen kooxda Al Shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:09 and have

