daajis.com:- Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland, ayaa gacanta ku dhigay dad lala xiriirinayo qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta Howlgalo ay ka sameeyeen Xaafadaha Kismaayo, waxay kusoo qab qabteen dad aad u farabadan kuwaasoo loo tirinayo ku lug lahaashaha dhacdadii shalay Kismaayo Hareeysay.
Shaqsiyaadka ay ciidamada amaanka Jubbaland u qabteen weerarkii shalay, ayaa gaaraya 3 ilaa 4 ruux.
Sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdi Caato, ayaa Warbaahinta u sheegay ineey baaritaan ku wadaan shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay.
Dhinaca kale ciidamada maamulka Jubbaland ayaa xalay nin lagu magacaabo (Sankuus) toogtay, waxaana ruuxaan lagu eedeeyay inuu soo maleegay weerarka Ismiidaaminta ah ee lala bartilmaameedsaday xaruun lagu tababarayay ciidamada Isku dhafka ah ee Qaranka Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:05 and have

