daajis.com:- Mohammed Rayhan oo u dhashay Dalka Siiriya ayaa lagu tiriyay in uu dhintay , kadib markii suuq mashquul badan uu ku sugnaa ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Dowlada Siiriya, waxaana duqeyntaasi ka dhashay dhimasho aad u badan iyo bur bur.
Ninkan ayaa kamid ahaa dadkii ku sugnaa suuq ku dhaw Magaalada Damascus ee caasimada Dalka Siiriya, waxaana duqeyntaasi la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad gaaraya 117-qof ay ku jiraan haween iyo caruur, waxaa sidoo kale bur buray qeybo badan oo suuqa kamid ah.
Ehalada Mohammed Rayhan, ayaa u qaatay in wiilkooda uu ku dhintay duqeyntaasi maadama ay waayeen saacado badan, waxana eheladiisa ay in isku raaceen in uu geeriyooday iyagoona ku balamay in ay tacsi u dhigaan.
Xili ay socotay tacsida ninkan loo qaatay in uu dhintay ayaa mar qura kasoo dhax baxay bur burka dhimashada Suuqa uu ku hoos jiray mudo dhan 36-saacadood, waxa uuna tagay gurigiisa xili loo fadhiyay tacsidiisa.
Goobta ayaa mar qura isku badashay mid farxadeed, waxaana ninkan kusoo booday eheladiisa oo markii hore murug badan dareemayay una heestay in wiilkooda uu kamid ahaa dadkii tirada badnaa ee lagu dilay duqeynta suuqaasi ka dhacday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have


