Ciidamada Booliska Angola oo bilaabay olole ka dhan ah Soomaalida sharci darada ku joogta dalkaas

Ciidamada Booliska Angola oo bilaabay olole ka dhan ah Soomaalida sharci darada ku joogta dalkaas

daajis.com:-Ciidamada Booliska Angola ayaa caasimada dalkaas ee ka bilaabay olole ka dhan ah Soomaalida sharci darada ku joogta dalkaas, iyagoo xabsiga dhigay boqolaal ruux oo Soomaali ah.

Maxamed Deeq Dhiblaae oo ah Afhayeenka Jaaliyadda Soomaalida Angola ayaa sheegay in ciidamada booliska ay meelo kala duwan oo dalkaas ah ka qab qabteen Soomaali fara badan.

“Qaarkood waxaa la qabtay iyagoo jooga goobahooda ganacsiga halka qaar kalena laga soo qab qabtay Xaafadaha, laakiin badanaa kuwa la qab qabtay waxay joogeen goobahooda Ganacsiga”ayuu yiri Maxamed Deeq.

Sidoo kale Maxamed Deeq ayaa sheegay qab qabashada Soomaalida ay ka dambeeyaan Jaaliyado ajaaniib ah oo dalkaas ganacsi iyo dhaq dhaqaaq ku leh.

Soomaali fara badan ayaa ku nool dalka Angola, kuwaasoo ku leh Ganacsi kala duwan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada