daajis.com:- Waxaa maanta Degmada Baardheere ee gobalka Gedo gaaray Wasiirka Difaaca Somalia Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Saraakiil ka tirsanaa Wasaarada.
Wasiirka ayaa waxaa Degmada kusoo dhaweeyay Saraakiil Ciidan oo isugu jira Somalia iyo Ethiopian kuwaasi oo u galbiyay Xarumihii loo diyaariyay inuu booqdo Wasiirka.
Masuuliyiinta Degmada kusoo dhaweysay ayaa waxaa kamid ahaa madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo booqasho kadib kulan gaar ahaa la qaatay Wasiirka iyo Saraakiishii la soctay.
Wasiir Diini ayaa sidoo kale kulan looga hadlayay xaaladda degmada Baardheere waxa uu la yeeshay Saraakiisha waxaana kulanka looga hadlaayay Xaalada guud ee Degmada iyo amaanka.
Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in socodkooda uu ku qotoma sidii wax badan uu uga ogaan lahaa xaaladda guud ee degmada Baardheere, hadii ay ahaan lahayd midda nololeyd iyo tan ammaan intaba.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:00 and have


