DEG-DEG: Isku Aadka Heerka Group-yada Ee Champions Leaque-ga Oo La Soo Saaray Bayern Munich Iyo Arsenal Oo Isku Group Ah

DEG-DEG: Isku Aadka Heerka Group-yada Ee Champions Leaque-ga Oo La Soo Saaray Bayern Munich Iyo Arsenal Oo Isku Group Ah

daajis.com:- Waxaa la soo saaray isku aadka heerka Groupyada ee Champions Leaque-ga ee xili ciyaareedka cusub ee 2015/16.Kooxda horyaalka Yurub ee Champions Leaque -ga difaacanaysa ee Barcelona ayaa ku hogaaminaysa Group E waxayna groupkan  kuwada jiraan kooxaha Bayer Leverkusen,Roma iyo BATE. Kooxaha Barcelona iyo Roma ayaa la odhan karaa waxay yihiin labada kooxood ee Group E ugu cad cad inkasta oo ay kooxda Bayern Leverkusen xili ciyaareedkii hore wacdaro soo bandhigtay.

Kooxda horyaalka France xili ciyaareedkii hore ku guulasyatay ee PSG ayaa hogaaminasya Group A waxaana kula jirtaa Groupkan kooxda tobanka jeer Champions Leaque-ga ku guulasyatay ee Real Madrid iyo kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Malmo. Kooxaha PSG iyo Real Madrid ayaana ah labada kooxood ee ugu cad cad Group A.

Kooxda Juventus oo xili ciyaareedkii hore soo gaadhay finalka Champions Leaque-ga ayaa iyaduna ku hogaaminaysa Group D kaas oo ay kuwada jiraan kooxda Manchester City oo xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay inta badan ku aadaysay group adag. Waxaana sidoo kale Group D oo ay Juventus iyo Manchester City kuwada jiraan wehelaya kooxaha Sevilla iyo Monchengladbach. Group D ayaa u muuqda mid xooso badan waxaana la filayaa in tartan xoogani uu dhex mari doono kooxaha Juventus, Manchester City iyo Sevilla.

Kooxda horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkii hore ku guulaysatay ee Cheslea ayaa ku jirta Group D waxayna isku group yihiin kooxda Porto, waxaana xiiso gaar ah yeelan doona kulamada uu Mourinho la ciyaari doono kooxdiisii hore ee FC Porto. waxaana group D sidoo kale ku jira kooxaha Dynamo Kiev iyo Maccabi Tel-Aviv. Inkasta oo ayna Champions Leaque-ga jirin koox la sahashan karaa ayaa la odhan karaa Chelsea waxa ay haysataa fursad fiican inkasta oo ay FC Porto tahay koox aan la saadaalin karin.

Kooxda horyaalka Germany  xili ciyaareedkii hore ku guulaysatay ee Bayern Munich  ayaa hogaaminsaya Group F waxayna isku group yihiin kooxda Arsenal oo ay xili ciyaareedyadii aan soo dhaafnay ay hore iskaga hor yimaadeen Champions Leaque-ga. Waxaans sidoo kale groupkan ku jira kooxaha Olympiacos iyo Dinamo Zagreb.Bayern Munich iyo Arsenal ayaa ah kooxaha ugu fursada ugu fiican u haysta inay ka soo bixi karaan Group F inkasta oo ay Olympiacos ay halis wayn ku noqon karto kooxahan.

Kooxda horyaalka Holland ku soo guulaysatay  xili ciyaareedkii hore ee PSV  ayaa ku hogaaminsaya Group B waxayna isku group yihiin kooxda Manchester United oo xalay u soo baxday heerka Group-yada. Van Gaal ayaa ka hortagi doona kooxda dalkiisa hooyo ee PSV. waxaana sidoo kale Group B ku jira kooxaha CSKA Moscow iyo Wolfsburg. Group B ayay Manchester United iyo kooxda Wolfsburg noqon karaan labada kooxood ee la saadaalin karo inay fursad fiican heli karaan inkasta oo ay adag tahay in hadda wax saadaalin ah laga bixiyaa.



Halkan kaga bogo dhamaan sideeda  Group ee Champions Leaque-ga iyo kooxaha kuwada jira:-

Group A: Paris Saint-Germain, Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Malmo

Group B: PSV, Manchester United, CSKA Moscow, Wolfsburg

Group C: Benfica, Atletico Madrid, Galatasaray, Astana

Group D: Juventus, Manchester City, Sevilla, Borussia Monchengladbach

Group E: Barcelona, Bayer Leverkusen, Roma, BATE

Group F: Bayern Munich, Arsenal, Olympiacos, Dinamo Zagreb

Group G: Chelsea, Porto, Dynamo Kiev, Maccabi Tel-Aviv

Group H: Zenit, Valencia, Lyon, Gent

Haddaba akhriste Group-kee ayaad filaysaa inay ku jiraan kooxaha ugu adag? Group F mala odhan karaa waa Group-ka ugu adag mis Group D ayaa ah Group-ka dhimashada? fikradiina waanu soo dhawaynaynaa waxaanad nagula wadaagi kartaan commentska idinka oo iska ilaalinaya wixii aflagaado ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada