Howlgalo lagu qab qabtay Al-shabaab badan oo Afgooye ka dhacay

Howlgalo lagu qab qabtay Al-shabaab badan oo Afgooye ka dhacay

daajis.com:- Howlgal ciidamada Dowladda Federalka Somalia ay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxa ay ku soo qabteen dad gaaraya 10-ruux kuwaasi oo looga shakiyay inay Shabaab xiriir la leeyihiin.

Xalay ayeey ciidamada howlgalkaan ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Afgooye oo lagu soo qabtay 10-ka ruux ee ciidamada ay uga shakiyeen Shabaabnimada.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Afgooye Yuusuf Doo, ayaa u sheegay Warbaahinta dadka lasoo qabtay in lagu haayo Saldhiga Degmada Afgooye oo ay baaris ku socoto.

howlgal-amni-3Yuusuf Doo, ayaa sheegay dadkaan in la kala saaraayo kadibna la fasaxaayo wixii dambi lagu waayo, halka kuwa kalena maxkamad loo gudbin doono.

“Howlgalkaan waxa uu ka mid yahay kuwa aan amniga ku xaqiijineyno, waxaana inoo suurta gashay in aan qabano dad lala xiriirinayo inay maleegayeen falal amni darri ah, dadkaasi waxa ay gaarayaan ilaa 10 ruux Saldhiga ayeeyna ku xiran yihiin.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Afgooye.


Degmada Afgooye ayaa waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo waxaa lagu beegsadaa ciidamada iyo xubnaha Maamulka la shaqeeya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada