Jeesow Oo War Cusub Ka Sheegay Jubbaland!

Jeesow Oo War Cusub Ka Sheegay Jubbaland!

daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay jiritaanka baarlamaan goboleedka Jubba inuu yahay kheyru sharci, wuxuuna xusay in baarlamaanka Soomaaliya uu si sharci ah xasanadii kaga qaaday, isagoo tilmaamay in 26ka Ogoosto ay ugu egtahay Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

“Haddii codka Golaha baarlamaanka la meel marin waayo go’aan dambe oo baarlamaanka Soomaaliya laga dhageysan doono ma leh; masĂșuliyadeedana waxaa qaadi doona cid allaala ciddii fashilkaas ka qeybqaadatay” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow, wuxuuna isweydiiyey sida ay sharciyad ku tahay in uu dastuur ansixiyo ama madaxweyne doorto baarlamaanka xasanadii laga qaaday.

“Baarlamaan goboleed xasanadii laga qaaday siddee ku dhici kartaa inuu dastuur ansixiyo, ama madaxweyne doorto ? Ayuu yiri Jeesow, wuxuuna u soo jeediyey Xogheynta IGAD Maxamed Cabdi Afeey inuu faragelinta ka daayo arrimaha Soomaaliya.

“Maxamed Cabdi Afeey mar walba wuxuu isku dayayaa inuu beel ahaan ugu hiiliyo maamul goboleed gacan ku rimis ah; waxaan leenahay naga daa faragelinta aad nagu hayso; Soomaaliya waxeey xubin ka tahay IGAD. ” Ayuu yiri Daahir Jeesow, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo ay u dhisan yihiin hay’ado dastuuri ah oo la soo doortay, hay’adahaasina ay yihiin kuwa xaqa u leh in ay go’aan ka gaaraan masiirka Qaranka.

Xildhibaan Daahir Jeesow, wuxuu kaloo soo qaaday Wasiirada iyo mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo ka qeybgalaya kulamada ay qabanayaan baarlamaanka Jubba, isaga oo sheegay in xubnahaasi baarlamaanka federaalka uu ka qaadi doono tillaabo sharci ah.

“Baarlamaanka Soomaaliya indhaha ayuu ku hayaan Wasiirada & masĂșuliyiinta Dowladda ee kulamadaasi ka qeybgalaya, waana lagula xisaabtami doonaa sharciga ay ku tumanayaan” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada