Katrina Kaif Qasaaraheeda Waa Faa’iidada Alia Bhatt Sababta Maxay Tahay

Katrina Kaif Qasaaraheeda Waa Faa’iidada Alia Bhatt Sababta Maxay Tahay

daajis.com:- Gabadha lagu magacaabo Gauri Shinde oo horey u sameeyay filimka cajiibka badan English Vinglish waxay horey u sheegtay in filimkeeda xiga Katrina Kaif ay sameyn doonto.

Balse haatan Gauri Shinde waxay si rasmi ah shaaca kaga qaaday in mashruuceeda xiga ay ku aamintay gabadha dhalinta yar Alia Bhatt oo hormuud ka noqon doonto filimkan xiisaha badan.

Sidoo kale Karan Johar ayaa filimkan qarash gareen doono waana filim ay Alia Bhatt kusoo bandhigi doonto awoodeeda dhanka fanka.

Katrina Kaif ayaa ka gaab satay sameynta filimkan weyn madaama aysan waqti u helin karin balse Alia Bhatt ayaa nasiib u yeelatay filimkan xiisaha badan.

Alia Bhatt filimkan waxaa ku wehlin doonaan sedex jilaa oo fanka ku cusub balse weli si rasmi ah looma soo xulin xidigaha la jili doonaan.


Warbixin rasmi ah ayaa lagu sheegay in filimkan ay Alia Bhatt duubis ku bilaabi doonto horaanta sanadka 2016 ee nagu soo fool leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada