daajis.com:- Booliska Kenya, ayaa waxay sheegeen haweeyneydaasi inay ku baxsanayso mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Booliska Kenya, ayaa waxay ballanqaadeen abaalmarin dhan labaatan kun oo dollarka Mareykanka ($20,000), cidii keentay war ku aadan haweeneyda la doon doonaayo.
Bayaan ay soo saareen Booliska Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay haweeneydaasi inuu qabo nin lagu magacaabo Ramadhan Kufungwa, kaasoo sida ay sheegeen horey ugu biiray Ururka Al Shabaab.
Bayaanka, ayaa waxaa lagu xusay Rukia Mbarak in dilal iyo qaraxyaba ay ka gaysatay Magaalada Xeebta leh ee Mombasa, iminkana ay Shabaabka u qaabilsanayd gudbinta hubka iyo qaraxyada laga keeno xuduuda.
In la helo xogta haweeneydan, ayaa waxay ka dambeysay markii toddobaadkii tagey Magaalada Garissa lagu qab qabtay hub iyo dad lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:29 and have

