daajis.com:- Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa loogaga dhowaaqay in ku xigeenkii hogaamiyaha ururka IS Fadhil Ahmed al-Hayali lagu diley duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka geysteen Waqoyiga dalka Ciraq.
Hayali oo sidoo kale loo yiqiin Mutazz ayaa waxa ay dowlada Maraykanka ku tilmaaneen in uu ahaa qofkii labaad ee maamulayay ururka IS oo haatan haysta dhul ballaaran oo ku yaal dalka Ciraq iyo Siiriya.
Weerarka lagu diley hogaamiye ku xigeenka IS ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow magaalada Mosul Talaadadii aynu ka soo gudubnay waxaana la duqeeyay gaari uu saarnaa hogaamiyahan.
Qaar kamid ah hogaamiyaasha ururka IS ayaa duqeyn lagu diley bilihii la soo dhaafay wadamada Siiriya iyo Ciraaq. Hogaamiyaha IS Abu Bakr al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in uu ku dhaawacmay duqeyn bishii March ee sanadkan.
Duqeyntan la sheegay in lagu diley Hayali ayaa sidoo kale waxaa dadkii la dhintay ka mid ahaa Abu Abdullah oo u qeybsanaa arrimaha warfaafinta ururka IS
Dhowr bilood kahor ayaa la sheegay in lagu diley duqeyn Abdulrahman Mustafa Mohammed oo isagu ahaa kaaliyaha hogaamiyaha ururka IS.
Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay Hayali inuu ahaa qofkii isku xirayay sidii la isaga kala gudbin lahaa hubka, waxyaalaha qarxa iyo gaadiidkaba wadamada Ciraq iyo Siiriya.
“Sidoo kale waxa uu mas’uul ka ahaa howlgalada ka dhacaya Ciraq isagoo qorsheeyay qaabkii lagula wareegi lahaa magaalada Mosul bishii June ee sanadkii hore.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee dalka Maraykanka.
Mutazz ayaa ka gaaray darajada ciidanka Colenel dowladii Saddam Xuseein ee ka talin jirtey dalka Ciraq waxana uu ka mid ahaa madaxda sarsare ee ururka IS kuwaasoo ka soo jeeda xukuumadii hore ee Saddam Xuseen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 12:00 and have

