daajis.com:- Waxaa shalay Munaasabad lagu sagootinayay cutub katirsan Ciidamada booliiska AMISOM lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, waxaana munaasabadaasi ka qeyb galay saraakiil katirsan booliiska Soomaaliya iyo AMISOM.
Munaasabada ayaa lagu sagootinayay Ciidamo kasoo jeeda Dalka Uganda oo dib ugu laabanaya dalkooda, waxaana Munaasabada lagu sagootinayay Ciidamadaasi ka qeyb galay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo ergeyga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya .
Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman Sidikou ayaa sheegay in ciidanka booliska AMISOM ay wax badan ka qabteen amniga Muqdisho, iyaga oo kaashanaya dhigooda booliska Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:00 and have






