daajis.com:- Shir looga hadlaayo sidii looga hortagi lahaa Dhalinyarada Somalida ee ku biireysa Ururka Daacish, ayaa maanta lagu qabanayaa Magaalada Bristol ee dalka UK.
Waxaa soo qaban qaabiyay shirkaan Somalida ku nool Magaalada Bristol oo ka arinsanaya waxa ay ka yeelayaan dhalinyarada Somalida ee waayahan dambe ku biireysa Daacish.
Kaysar C/laahi Maxamed oo ka mid ah xubnaha Shirkaan soo qaban qaabiyay, ayaa sheegay muhiimada shirka inay tahay dadka Somalida inay ka tashadaan sida looga hortagi karo Dhalinyarada Somalida ee Daacish ku biireysa.
download (4)Wuxuu sheegay inay jiraan Dhalinyaro badan oo Somali ah oo ka tagtay dalka Uk, kuna biireen Ururka Daacish ee Syria ka dagaalama.
Imaamyada Masaajidada, Waalidiin iyo Dhalinyaro kale ayaa lagu casuumay Shirkaan, waxaana afkaar ay iska weydaarsan doonaan habka ugu fiican ee looga hortagi karo Dhalinyarada Somalida ee biirta Daacish.
Waa Shirkii ugu horeeyay noociisa oo lagu qabanaayo Magaalada Bristol oo ay isugu imaanayaan dadka Somalida ah si ay uga arinsadaan Dhalinyarada Daacish ku biireysa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:22 and have

