daajis.com:- Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya qaraxii ismiidaamin ahaa ee saaka ka dhacay gudaha xarunta Jaamacadda Kismaayo, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo la isku dhafay oo tababar u socday mudooyinkaan.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday nin xerada laga yaqaanay, isla markaana ahaa sarkaal ciidan, waxaana uu isku dhex qarxiyay xerada ciidamada ku sugnaayeen.
Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa in ay gaareyso ugu yaraan 15 ka tirsan ciidamadii xerada lagu tababaray iyo askari ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ayaa ku dhintay qaraxa, halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen.
AMISOM ayaa qiratay in saddex askari oo tababarayaal ah ay uga dhaawacmeen qaraxa xoogan ee ka dhacay xerada ciidamada lagu tababarayay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaaraha uu intaa ka badan yahay, isla markaana meydad badan laga qaaday goobtii qaraxa ka dhacay oo aheyd teendhooyin ciidamada ay jiifeen.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, isla markaana ay ku dileen in ka badan 100 askari ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:25 and have



