Sawiro: Danjire C. Ameeriko oo booqasho ku jooga Jowhar

Sawiro: Danjire C. Ameeriko oo booqasho ku jooga Jowhar

daajis.com:- Safiirkii hore ee Somaliya, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa waxa uu maanta uu booqasho rasmi ah uu ku tagey Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Safiirka, ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay waxa uu socdaal ku maraayay Magaalooyinka Somaliya qaarkood, waxa uuna socdaalkiisan uu ugu magac-daray Socdaalka Nabadda.

Safiirka oo ay wehlinayen Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar.
 Danjire Ameeriko, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar uu kula kulmo qaybaha bulshada iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu bulshada ugu muujiyo in amni tahay Magaalada.


Socdaalkiisan Nabadda, ayuu dadka ugu baaqaayay inay ka wada qayb qaataan nabadda iyo xasiloonida dalka, halmeelna looga soo wada jeesto kuwa diidan in xasilooni ay hesho bulshada.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada