daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qoys ay ciidamada AMISOM ku laayeen magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dilka dadkan rayidka ah ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay kolonyo ciidamo AMISOM ah ay la kulmeen qarax ka dhashay miino wadada lagu aasay.
Mid kamid ah guryihii ay galeen ayaa la sheegay in ay ku toogteen afar wiil oo walaalo ah kuwaasoo la sheegay in ay ahaayeen xoogsato muruqmaal ah oo gurigooda ku sugnaa.
Tirada dadka ku dhintey magaalada Marka oo ay ka dambeeyeen ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay gaarayaan 8 ruux oo mid kamid ah ay tahay dumar.
Ruux kamid ah dadka ku nool magaalada Marka gaar ahaan goobta musiibada ka dhacday, ayaa warbaahinta u sheegay n wiilasha aabahood oo magaciisa lagu sheegay Macalin Iidey ayaa ahaa 75 jir curyaan ah, waxana uu u dhintey dhaawacyo ka soo gaaray rasaasta ay furayeen ciidamada Uganda kadibna ay diideen in daryeel caafimaad loo fidiyo.
Dadkii u soo gurmaday qoyskan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen ciidamada AMISOM ay geysatay qasaare hor leh oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho.
Waxaa xusid mudan in Isbuucyo kahor sidaan oo kale ay ciidamada AMISOM dad shacab ah oo ka badan 14 ruux ay si bareer ah ugu xasuuqeen magaalada Marka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:00 and have

