daajis.com:- Kadib hawlgal ciidamada Kenya ay bilaabeen gudaha dalkaasi, gaar ahaan keynta loo yaqaano Boni oo looga shaki qabo in dagaalyahano Alshabaab ah ay ku dhuumaaleysanayaan ayaa waxaa gudaha Jubbada Hoose lagu arkay ugaadh horey uga suushey dalka.
Sida uu taleefishinka Aljazeera u sheegey Faarax Heybe, guddoomiyaha degmada Badhaadhe waxaa markii ugu horeysey ay dadka deegaanka arkayaan geri, maroodi, goroyo, shabeelo iyo xayawaano kale .
“Dadka deegaanka waxaan u sheegney in ay sharci darro tahay in la waxyeeleeyo xayawaankaasi, haddii ay taasi dhacdana waa dambi” ayuu yiri guddoomiyaha.
Gudaha Soomaaliya ayaa hadda noqotey meel nabdoon oo ugaadha aysan maqleynin dhawaqa rasaas badan, aysana jirin wax ugaadhsanaya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at