Lix ka tirsana maleeshiyaadka Shabaab oo lagu dilay duleedka Beledweyne “Dhageyso”

Lix ka tirsana maleeshiyaadka Shabaab oo lagu dilay duleedka Beledweyne “Dhageyso”

daajis.com:- Lix ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana wa ay ku dhaawacmeen iska hor’imaad hubeysan oo ka dhacay duleedka Beledweyne, kaasoo u dhaxeeyay cidamada dowladda iyo maleeshiyaadka UGUS.

Iska hor’imaadka ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay gelinkii dambe ee manta waddada u galeen gaadiid ay la socdeen mudanayaal ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya, oo marayay duleedka Beledweyne,

Wariye Ibraahim Maxamed Geeddi oo Radio Muqdisho uga soo warama gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in xildhibaannada la socotay gaadiidka ay bedqabaan, wuxuuna intaasi ku daray ineysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray ciidamada dowladda marka laga reebo Laba askari oo dhaawac fudud soo gaaray.

Mudanayaasha la socotay gaadiidka waddada loo galay ayaa ka soo laabtay kormeer ay ku tageen deegaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyaadka UGUS.


Xildhibaan Maxamed Cumar “Goodir” oo ka tirsanaa mudanayaashii la socday gaadiidka la weeraray ayaa Radio Muqdisho uga waramay sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageysiga wareysiga Xildhibaanka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada