Amisom oo Isaga Baxday Deegaanka Ceel Saliindi ee Gobolka SH/Hoose

Amisom oo Isaga Baxday Deegaanka Ceel Saliindi ee Gobolka SH/Hoose

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Amisom isaga baxeen deegaanka Ceel Silindi ee ku yaal Gobolka Sh/ hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada Amisom, guud ahaan ay xalay ka ruqaansadeen deegaanka, xilli maalmahan ay ku guda jireen sidii ay deegaankaasi ay uga guuri lahaayeen.

Waxaana isla saaka aroortii galay deegaanka ciidamada Ururka Al Shabaab oo markii horeba ku sugnaa meel aanan sidaa uga fogeyn deegaanka.


Al Shabaab ayaa la sheegay inay dadka u sheegeen inay kala hadlayaan fagaaraha deegaanka, islamarkaana la doonaayo Bulshada inay la shaqeeyaan ciidamada Mujaahidiinta Shabaab.

Lama oga sababta ka dambeysa dib u gurashada ciidamada Amisom ee deegaanka Ceel Saliindi, hayeeshe arintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli ciidanka Amisom siiba kuwa (Uganda) ay la kulmeen dhibaatooyin adag oo kaga yimid dhanka Al Shabaab.


Maalintii qamiista ayay ahayd markii Abaanduulaha Ciidanka dalka UGanda uu soo gaaray Dalka Soomaaliya Booqdayna Jiida hore ee Dagaalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada