Ra’izul Wasaaare Viktor Orban oo si adag ula hadlay Dadka Muslimiinta ah ee dalkiisa kusoo qul qulaya

Ra’izul Wasaaare Viktor Orban oo si adag ula hadlay Dadka Muslimiinta ah ee dalkiisa kusoo qul qulaya

daajis.com:- Ra’izul Wasaaraha dalka Hungary Viktor Orban, ayaa si adag ula hadlay qaxootiga Muslimiinta ah ee dalkiisa kusoo qul qulaya gaar ahaan Qaxootiga kasoo cararaya calooda ka aloosan Dalka Siiriya.

Waxa uu sheegay R/Wasaaraha in dalkiisu uusan marnaba dooneyn in ay yimaadaan qaxooti dheeri ah oo Muslimiin ah , waxaana hadalkan oo u muuqda mid cunsuriyad ay ku dheehan tahaylaga yaabaa in ay dood hor leh dhaliso.

Waxa uu uga digay Ra’izul Wasaaraha dalka Hungary Viktor Orban, dadka qaxootiga ah ee imaanaya dalkiisa in aysan marnaba isku soo lug goyn dalkiisa , waxa uuna difaacay go’aanka uu dalkiisa darbiga uga dhisayo xadka uu la wadaago dalka Serbiya si looga hortgago qaxootiga dalkiisa kusoo qul qulaya.

”Marnaba ma rabno in muslimiin dheeri ah ay dalkeena yimadaaan , waa go’aan anagu aan xaq u leynahay , dadka Muslimiinta ah yeysan dalkeyna isku soo lug goyn , ma awoodno in aan qaabilno’, fadlan waa halis ee ha imaanina dalkeena ”Ayuu yiri R/Wasaraha Hungary.

Dad badan oo qaxooti ah oo galay Dalka Hangury ayaa loo diiday in dalkiisa tareeno ka raacaan si ay ugu sii gudbaan Wadamada Jarmalka iyo Austria , waxaana jira muhaajiriin badan oo xoog u galay xarunta tareenada laga raaco ee Caasimada Hunury.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada