daajis.com:- Hogaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa maanta qirtay in mudo kooban lagala wareegay gacan ku haynta Xaruntii Ciidamadooda ee Degmada Janaale.
War Saxaafadeed uu soo saaray Hogaanka sare ee Amisom, ayaa ujeedada ay Ciidamadooda uga soo baxeen Xeradaasi lagu sheegay in ay ahay Xeelad dagaal.
amisom-goobWar Saxaafadeedka, ayaa waxaa si xoogan loogu cambaareeyay weerarkaasi oo sida la rumeysan yahay uu khasaaro badan ka soo gaaray Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Xoogaga Amisom.
Waxaa kaloo War Saxaafadeedkan lagu sheegay in Xoogaga Amisom ay dib u qabsadeen Xerada, isla-markaana ay xilligan si buuxdo gacanta ugu hayaan Xeradaasi, saacado ka dib markii ay Shabaabku la wareegen.
War Saxaafadeedka loogama hadlin khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Uganda ka soo gaaray weerarkaasi, laakiin Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay weerarkaasi ku dileen ilaa 50 ka mid ah ciidamada dalka Uganda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:59 and have
, Published at