AXMED Macalin Fiqi oo Kiiska Kornayl XAASHI BULXAN si adag uga hadlay ?

AXMED Macalin Fiqi oo Kiiska Kornayl XAASHI BULXAN si adag uga hadlay ?

daajis.com:- Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi oo dhowaana isku taagay xilka madaxwayne ee maamulka Galmudug ayaa si adag uga hadlay dhibkii gaadhay Kornayl Xaashi Bulxan oo ahaa darawalkii madaxwaynihii hore ee Soomaaliya oo dhowaan Gurigiisa Lagu weeraray, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay.

“Magaalada Muqdisho waxey muddooyin badan martigalisey tacaddiyo badan oo loo aaneynayey maleeshiyaad hubeysan iyo dad sharci qabtaa uusan jirin, waxaanse meel aan u waayey todobaatan jir, ah sarkaal ciidan xoogga dalka ah, labisan tuutihii sharafta iyo heybadda u ahaa qaranka kaasoo wadanka xaq ku leh, in todobaadkaan la arkey asagoo la ilmeynaya gaboodfal iyo sharci-darro uu sheegey in qaar ka mid ah madaxda dawladdu ay kula kaceen, si xoog ahna looga boobey isla markaana looga saarey gurigiisii uu degenaa sida uu sheegey sarkaalkaas.

Waa arin naxdin badan, waana fal dhambaal aan qurux badneyn ka gudbinaya sharciga dalka iyo hab-dhaqanka madaxda, muwaadinkana dareensiinaya in wax loo soo kordhiyo iska daaye in hantidiisii gaarka aheyd uusan la fakaneyn, wuxuuna falkaasi waji-gabax ku yahey caasimadii dalka ee dadka Soomaaliyeed ka dhexeysey in ay ka dhacdo amar-ku-taagleyn noocaas ah, wax falcelin ah oo dawladdu ay ka bixiseyna aysan muuqan.


Mr. Xaashi waxaan leeyahey waan kula damqaneynaa, ilmada iyo murugada ku qabateyna waan kula wadaageynaa, cadaaladuna haba soo daahdee maalinkeeda waa la gaarayaa. Waxaan ugu baaqayaa in odogaas, qaranka shaqadiisa da’daas ku soo gaarey welina ku jira in kiiskiisa oo dad badan oo waxgarad ah ay ka marqaati kacayaan in gurigaas uu lahaa Mr. Xaashi Furre dib u eegis lagu sameeyey, xaqqiisana dib loogu celiyo”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada