daajis.com:- Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay saacadihii la soo dhaafay ka baxeen degmada Kuntu-waarey iyo deegaanka Ceel Saliindi oo ku dhow deegaanka Nambar lixdan.
Ciidamadan ayaa ka guuray labo saldhig oo ay ku lahaayeen deegaanadaas, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dhamaan wixii agab, saanad milateri iyo sahaydooda ay ka daad-gureysteen halkaas.
Degmada Kuntu-waarey ayaa ka mid aheyd degmooyinkii sanadkii la soo dhaafay ay la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
Sidoo kale deegaanka Ceel Saliindi oo ahaa deegaan isku xirayay Shalanbood, Marka iyo deegaano kale ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe AMISOM isaga baxeen.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa deegaanadaas la wareegay, waxaana ay u khudbeeyeen dadka deegaanka, waxayna ku hanjabeen inay sii wadayaan weerarada ay u geysanayaan ciidamada AMISOM.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan sababaha ay uga baxeen deegaanadaas, hase ahaatee 1-dii bishan ayay aheyd markii saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Janaale Al-Shabaab weerareen, loogana dilay askar badan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:52 and have

