Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan

Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan

daajis.com:-Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Buq-Aqable, halkaasoo bishii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.

Qabsashada Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa ka dambeysay markii ciidamadii Itoobiya ay isaga baxeen saaka aroortii.

Goob joogayaal ku sugan Buq-Aqable ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si lama filaan ah uga baxeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen deegaanka Buq Aqable, balse ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaano u dhow.

Deegaanka Buq-Aqable ayaa dhacda galbeedka Gobolka Hiiraan, waxay ka mid aheyd deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.

Ciidamada qaar ee ka socda Itoobiya ayaa la sheegay in aanay ka tirsan howl galka AMISOM, sidaas darteed ay ugu wacan tahay in meelaha ay qabsadaan ay hadana dib uga baxaan, taasoo loo arko inay caqabad ku tahay howl galka u socdo.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab la wareegaan deegaan ay isaga baxaan Ciidamada AMISOM, todobaadyo ka hor ayay aheyd markii ay la wareegeen deegaanka Halgan, balse mar kale ay dib deegaanka ugu soo laabteen ciidamada Itoobiya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada